Maamulka gobolka Banaadir oo maanta guddoomiye cusub u doortay degmada Xamarjajab

Apr 25, 2010
Xaflad maanta lagu qabtay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee degmada Xamarwayne oo ay ka soo qayb galeen  masuuliyiinta sare sare oo ka tirsan dawladda federalka iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa guddoomiye cusub loogu doortay degmada Xamarjajab

Guddoomiyaha cusub ee degmada Xamarjajab ayaa waxaa loo doortay C/baasid Maxamed Xasan
Gudoomiyaha  maamulka gobolka Banaadir Eng: C/raxmaan Nuune  ayaa kula   dardaarmay Gudoomiyaha cusub inuu ka soo baxo waajibaadka dul saaran,

Guddoomiyaha cusub ee degmada Xamarjajab Cabdi baasid  Axmed Xasan ayaa hadlay waxa uuna  sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay xilka loo dhiibay, wuxuuna intaasi ku daray in uu ka soo bixi doono xilka loo dhibay