May 08, 2010

Shabaabul mujaahidiin oo maamulo u magacaabaya degmooyin ka tirsan Galgaduud

Gudoomiyaha gobalka Galgaduud ee xarakada shabaabul majahidiin Sheekh yuusuf sheekh ciise kaba ku tukade ayaa sheegay maanta in maamulo cusub ay u sameeyn doonan degmada ceel dheer iyo qaar ka mid ah deeganada hoostaga degmadaasi oo ay dhawaan la wareegen gacan ku heentooda.

Sheekh yuusuf kaba ku tukade oo kala hadlayay saxaafada shir jaraa’id oo u qadka telefonka ugu qabtay ayaa sheegay ka hor maamul u sameynta deegaanadaasi ay wada tashi la sameeyeen qaar ka mid ah odayaasha iyo wax garadka halkaasi ku nool isla markaasna ay isla garteen in maamulo islaami ah loo sameeyo deeganadaasi. .