May 19, 2010

Jabhadda ONLF oo sheegtay in weerar ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Itoobiya leeyihiin ay ku dishay 100-askari oo Itoobiyaan ah

Waxaa maalintii shalay ahayd uu dagaal ka bilowday riiga Galaalshe oo qiyaastii  35Km u jirta magaalada Baabili dhinaca bari. Dagaalkan oo u dhex maray CWXO iyo kuwa cabudhiska Ethiopia ee ku sugan Ogaadeenya ayaa ahaa mid aad u balaadhan oo socdayna ilaa maanta galinkii hore .

Waxaa la xaqiijinayaa inuu dagaalkii hadda joogsaday iyadoo ay ku gacan sireeyeen Ciidan Wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya. Waxayna wararka hordhaca ah ee dadkii goobata ka dhawaa ay isla qirayaan in ciidanka  gumaysiga  lagu dilay dagaalkaa uu boqol iyo siyaado gaarayo, kuwaasoo ahaa ciidan Wayaane ah. Waxay sidoo kale sheegayaan wararkaa in goobtii lagu dagaalamay ay u hadheen oy joogan hadda Ciidankii jabhadda wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya