May 19, 2010
Meydadka labo qof oo dhalinyaro ah oo laga helay koofurta Magaalada Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta waxaa laga helay meydad gaaraya labo qof oo dhalinyaro ah kuwaasi oo jirkooda ay ka muuqatay rasaas xoogan.

Iyadoo xaalada magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug maalmihii ugu dambeeyay laga dareemayay falal ka dhan ah amniga ayaa hadana maanta Koofurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa lagu arkay Meydadka 2-Wiil oo Dhalinyaro ah kuwaasi oo garbo duub u xirnaa islamarkaana loo dilay si ka baxsan Shareecada Islaamka. Ilaa iyo hada lama oga sababta loo dilay dadkaan