Jun 19, 2010

Shariif Xasan oo maanta Muqdisho ku soo laabtay

Gudoomiyaha dhowaan la doortay ee baarlamaanka dowladda KMG soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maalmo kadib doorashadiisa ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa maanta Dib ugu soo laabtay dalka kadib markii uu safaro kusoo kala bixiyay dalalka Kenya iyo Isutagga imaraadka carabta.

Gudoomiyaha ayaa ugu horeyn u mahad celiyay ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho oo soo dhoweyntiisa qeyb weyn ka qaatay iyo dhamaan dadkii kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde International Airport.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in dalalkii uu tagay uu kulasoo kulmay jaaliyadaha soomaliyeed ee ku dhaqan dalalkaasi iyo qaar kamida wadamada beesha caalmka oo wax badan ay isla garten.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in xubnaha baarlamaanka uu ka rajeynayao in ay iftiimiyaan howlaha horyaala dowladda KMG, xukuumadana ay fuliso waxa loo iftiimiyo, isagoo sheegay in xukumadu aysan shaqeyn Karin hadii baarlamaanka uusan shaqeyn.

Shariif Xasan ayaa soo laabashadiisa kadib waxaa hor yaala howlo badan oo ay ugu horeyso mideynta barlamaanka oo si aad ah ukala tagsan iyo dhameynta khilaafka xubnaha baarlamaanka kala dhexeeya xukuumada KMG soomaaliya.