Xeradii gumaysiga ee Caleen waxaa gacanta ku haya CWXO

Aug 21, 2010
Warar sugan oo goor dhaweyd ay na soo gaarsiiyeen wariyayaasha la socda CWXO ayay noogu sheegeen in shalay galab gacanta lagu dhigay xeradii ciidanka gumaysiga uu ku lahaa degmada Caleen.
Dagaal aad u xoogan oo saacada socday ka dib ayay CWXO ku guulyasteen inay gabi ahaanba qabsadaan xeradaa oo ahayd saldhigii ay maleesiyada Hawaarin iyo ciidanka Wayaanaha ay kaga duuli jireen aaga Shilaabo ilaa iyo tuulooyinka ku yaala xadka u dhexeeya Ogadenya iyo Somaliya. Waxaa halkaa kaga dhintay gumaysiga ciidan farabadan oon gadaal ka soo sheegi doono iyadoo hub iyo saanad bandanna gacanta lagaga dhigay.

Xeradan ayaa ahayd goobta ay maleesiyaadka Hawaarin iyo ciidanka Wayaanaha ah ee la socda ay maalmihii la soo dhaafey kaga duulayeen tuulooyinka Jeed iyo Fadhigaraadle iyagoo marar bandanna gudaha u gali jiray xadka Somaliya oo halkaa dadweyne shacab ah ku soo waxyeeleyn jiray.

Ciidamada gumaysiga ee fadhiyay xeradan uu gumaysiga ka sameystay Caleen ee CWXO ay shalay galab qabsadeen ayay dadweyanah gobolka dhowr jeeroo hore cabasho ka soo gudbiyeen. Ciidanka Wayaanaha iyo maleesiyada la socota ayaa boobayay xoolaha dadweynaha, xadgudub bandanna ku hayay dadka shacabka ah ee reer guuraaga ah iyo xoolahooda.

Faafaahin cusub oo naga soo gadhay Ogaadeeniya ayaa lagu sheegay in ciidamada wayaanaha laga dilay askar badan.Waxaa dagaalkaas ku dhintay qaar masuuliyiinta Degmada shilaabo ka mid ah.

Waxaana ka mid ah kuwa ku dhintay:

- Tube Beddel Mire (G/Xigeenkii Degmada shilaabo)
- Wali Nadiif (Hogaanka Abniga ee Degmada)
- Wali Maxamed Guure ( Madaxa Xisbiga Degmada)
- Cali Kunle (Madaxa Ciidanka Maleeshiyada)
Xigasho:ogaden news