Nin walaalkii doorsaday Ilaah, derejo siin waaye
"Kuwan gumaysiga u adeegaya waxaad moodaa inay siloon yihiin". Ereyadaa waxaa ku bilaabay teleefoon uu noo soo diray nin ka mid ah muwaadiniintii fadhiday shirkii uu ku qabtay Cabdiraxmaan Khaliif Saint Paul Minnesota maanta oy taariikhdu ahayd 7/8/2010.
Waxaa aad uga daadagi weyday dadkii meesha isugu yimid in Cbadiraxmaan Kahliif oo ah nin da'weyn inuu intuu dhex yimaado dadkuu ka dhashay isagoo ogsoon dhibaatada uu ku hayo maamulka Wayaanaha, oo waliba ogsoon inay yihiin kuwii ka soo cararay gumaysiga oo mid aan la dilin ama la xidhin ama la kufsanin eheladiisa aanu ku jirin inuu ku dhiirado inuu meesha ka akhriyo khudbad uu gumaysigu u soo dhiibay oo ku wajahaan Jaaliyada Ogaadeenya ee Minnesota. Waxaa aad loola yaabay inuusan ninkan leh Generaal ayaan ahaan jiray uusan laba soconin in caalamka maanta uu gaaray heer la ogaan karo waxa ka dhacaya Ogadenya oo qof ku nool Mareykanka aan been iyo khayaano loogu magac daray "Nabada" lagu jahawareerin karin.
- Toorida ninkii kuu dadbee, daabku uu celiyey
- Iyo kii duleedshaay ku yidhi, wax isma doorshaane
- Dakanadayda yaa kaa xigood, igu danayn haatan?
- Aar soo dibjirey neef hadduu, daacuftii geliyo
- Uu kaga digsiiyuu ilkaha, dhiigga kaga daadsho
- Dugaaggaa yaryari saw ka cuna, duufka hadhay maaha?
Waxaa la yaab leh inuu Cabdiraxmaan Khaliif isagoo dhex jooga Minnesota aad u amaano xukumada gumaysiga oo uu aad ugu dheerado waliba. Arinta markay sidaa u dhacday ileen waa akhiro samane ayaa waxaa dhiigoodii uu laba boqol gaadhay shacbigii dhagaysanayey oo islahaa bal soo dhagaysta inuu isbadalay ninkan aad maqasheen wuxuu ka sameeyay Jubada Hoose iyo siduu ula dagaalamay Axmad C. Jees isagoo u adeegaya Morgan. Hadaladii uu ku hadlayay ayaa aad looga yaqyaqsaday ka dibna dadkii meesha fadjhiyay waxay boobeen kuraasti ay ku fadhiyeen oy Cabdiraxmaan iyo Kooxdiisi hal mar kula degeen. Booliski ay keensadeen ayaa waayey meel ay ugu hagaagaan. Ugu dambayntii Cabdiraxmaan iyo Cumar Xaashi oo jug badan iyo argagax qaba ayaa musqusha lagu soo xidhay. Waxaa dhacday in Cabdiraxmaan iyo Cumar Xaashi ay isku aaminii waayeen xataa booliski oo gurmad iyo habarwacasho ay dirsadeen.
Waxaa hubaal ah inay Jaaliyada Ogaadeenya ee Mennisota siisay guumaysi Kalkaalka dhabarka laga soo dharbaaxay ee beenta loo soo sheegay ee doonaya inay ku dharag dhacsadaan jaaliyadaha S.Ogadenya.
Nin goobta joogay oon la soo xidhiidhay ONA ayaa yidhi; "Jaaliyada Minnesota marna ma ogolaan karto Guumaaysiga xasuuqa ka wada Ogaadeenya inuu dalka ay ku soo qaxeen uga dabayimaado oo been uu laaluush qaate u soo dhiibayna ku akhriyo."